cultural innovation

Hambalyo! Baashe, Ubax iyo Fatima oo wada galay golaha deegaanka Oslo, Norway

In Uncategorized on September 17, 2011 at 5:52 pm

Doorashooyinkii Norway oo la soo gabo-gabeeyay:

Natiijooyinka doorashooyinkii golaha deegaanka Norway ayaa la shaaciyay, waxaana ku guuleystay doorashooyinka golaha deegaanka caasimadda Oslo xisbiga loo yaqaan Høyre, iyadoona xisbiga shaqaalaha uu galay kaalinta labaad.

Xisbiga Shaqaalaha oo ay u sharaxnaayeen sadex soomaali ah ayaa golaha deegaanka ka helay 20-kursi, waxaana 11 ka mid ah ay yihiin ajaanib.Sadexdii musharax ee ugu cad-cadaa soomaalida ayaa galay Golaha Deegaanka, waxaana ay kala yihiin Baashe Muuse, Faadumo Madar iyo Ubax C/Qaadir.

CODADKA AY KALA HELEEN:

Baashe Muuse: 2200 oo cod
Faadumo Madar: 1601 oo cod
Ubax C/Qaadir: 1600 oo cod

Waa markii ugu horeysay oo ay sadex soomaali ah halmar wada galaan golaha deegaanka Oslo, waxaana tani ay noqoneysaa guul weyn oo u soo hoyatay soomaalida ku daqan dalka Norway, gaar ahaan caasimadda.

Arrintan ayaa lagu sababeeyay dadaal dheer oo ay sameeyeen musharixiinta, kuwaas oo ku baraarujiyay soomaalida in ay codkooda dhiibtaan si ay uga qeyb qaataan talada dalka.

=================================================================================

Qunsulka cusub ee Norway loo soo magacaabay oo casho sharaf loogu sameeyay caasimadda Oslo

Qunsulka cusub ee ay dowladda Soomaaliya u soo magacowday dalka Norway Yuusuf C/kariin (Yuusuf Bergan) ayaa xalay casho sharaf soo dhaweyn ah loogu qabtay caasimadda dalka Norway ee Oslo.

Casha-sharafta Qunsulkka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaalida, iyadoona ay ka dhex-muuqdeen waxgarad, odayaal haween iyo aqoonyahanno uu ka mid yahay Dr. Alas Abdikariin.

DAAWO FILMKA XAFLADDA:

Qunsulka oo soo dhaweyn diiran kala kulmay jaaliyadda Soomaalida Oslo ayaa hadallo kooban u jeediyay, waxaana uu sheegay in uu salaan uga sido shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoona sheegay in uu si daacadnimo ah uu u gudan doono xilka loo soo igmaday uuna caawimaad iyo gacanba ka sugayo jaaliyadda reer Norway.

Sidoo kale waxgarad, haween iyo aqooyahanno iyana meesha ka hadlay ayaa soo dhaqeeyay magacaabisha qunsulka, waxaana ay u balan qaadeen in ayy garab ku siin doonaan howshaasi.

Ugu dambeyn Qunsul Yuusuf C/kariin (Yuusuf Bergan) ayaa uga mahad celiyay jaaliyadda sida sharafta leh ee ay u soo dhaweeyeen, iyo sida soomaalinimada ay ugu weyntahay ayna had iyo goor u hormariyaan danta qaranka Soomaaliyeed.

Yuusuf C/kariin (Yuusuf Bergan) ayaa noqonaya qunsulkii ugu horeeyay ee loo soo magacaabo wadamada Scandinavian-ka tan iyo sidii ay u bur-burtay dowladdii dhexe mudo 21-sano iminka laga joogo.

==================================================================================

Voices from the Somali Diaspora

Influence remains strong

The man who writes to keep Somalia alive has had plenty to write about lately, with a devastating famine threatening to kill hundreds of thousands in the East African nation.

“I would say that his contribution is to have been critical for a very, very long time of narrow African nationalisms that turn out to be tyrannies,” Sugnet said. “To be very critical of the way gender equations are usually mapped and have an alternative to that. [And] to have women characters who are important.”

Farah, now 65, continues to fill the void in literature on Somalia with his stories. His prolific track record, however, makes the process of creating new works a bit more time-consuming.

“I’ve never suffered from writer’s block,” he says, “but it takes me longer and longer now. I don’t want to repeat myself.”

Full News 

================================================================================

 

===================================================================================

Muqdishow Waa Magaalo Taarikh Fac Weyn

Haddii aan wax ka xuso taariikhda faca weyn ee ay leedahay Magaladda Madaxda soomaaliya ee Mogadisho, oo  ka mid ah  gobolka Banaadir . Runtii ma ha mid qoraalkaani lagu soo koobi karo balse waxaan jaclahay in aan si kooban u xuso oo aan wax ugu tilmaamo taariikhdda haddii Alla idmo.

Haddba guud ahaan gobolka banaadir waa degaan aad u baalaran oo ilaahay ku maneystay khayraad fara badan oo dhul iyo bad ba leh. Dadka degaankani benaadir degenaa waxaa ilaaahay  hibo u siiyeye ilbaxnimo iyo is qadarin oo ay ku dheehan tahay xadaarad fac weyn.

Taasoo ay caddeeyen qorayaashii badmareenadda ahaa ee dalkeena imaan jiray iyaga oo had iyo jeer ku soo xiran jiray xeebaha Banaadir sida Xamar (Mogadishu), Warshiikh, Marka Baraawe iyo Kismaayo iwm.

Culumadaasi waxay qoraladooda ay ku xuseen in xeebaha soomaaliya ay degenaayeen qowmiyada meel sare ka gaaray xadaaradda, muddo qarniyaal badan laga joogo sida ay tilmaameen badmareenadaasi caanka ahaa oo ay ka mid yihiin  “Ibna Batuuta, Vasco de Gamma, Maro Pollo , Cheng Ho, Fei Hsin iyo Hslao Kolan iyo kuwa kale “

Full News 

==================================================================================

Dr.Mahiga’s Visit in Toronto

 

Halkaan Ka Daawo

==================================================================================

DOWLADA TURKIGA OO AYAA 6 KAMID AH GAWAARIDA KA SHAQEEYA CAAFIMAADKA U SOODIRTAY. DAAWO))))))

Warark ka soo baxayay magaalada muqdisho ayaa lagu sheegayaa in Shan gawaarida gurmadka degdega ah oo ay leeyihiin Dowladda Turkiga ugu deeqday dadka Soomaalida ah ayaa ka shaqa billaabay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in gawaarida gurmadka degdeg ah oo si weyn loo qalabeeyay ay u direen dalka Soomaaliya, si loogu bad baadiyo nolosha dadka Soomaalida, iyadoo wasaaradda dalkaasi ay sheegtay in ay direen 5 gawaarida degdega ah, islamarkaana ay iminka howllahooda ka billaabeen Muqdisho.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in gawaaridaasi ay ku biiri doonaan gawaarida gurmadka degdeg ah ee fara ku tiriska ee ka howlgala caasimadda Soomaaliya.

Sikastaba ha noqotee howlgalka gar-gaar oo ay kawada Dowlada Turkiga ayaa ah mid ay aad iyo aad ay u soo dhaweeyeen shacabka Somaliyeed oo dhibaatadu abaareed saameeysay.

===================================================================================

 Isbitaalka ugu weyn Geeska Africa oo Muqdisho laga dhisayo

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee lagu magacaabo ( Anatolia News Agency ), waxey dowladda Turkiya Muqdisho ka dhiseysaa isbitaalka carruurta oo noqon doona midka geeska Afrika ugu weyn.

Isbitaalku wuxuu yeelan doonaa dhamaanba adeegyadiisa caafimaad iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee waaraadka bukaannada jiifka. Sidoo kale wuxuu lahaan doonaa baar iyo meel laga dukaameysto, masjid iyo goob waxbarasho iyo weliba hool fadhi qurxoon leh oo loogu tala galay martida bukaannada soo booqaneysa.

Dabayaaqada bishan, ayey wararku sheegayaan iney Muqdisho soo gaari doonaan madax sare oo uu hoggaaminayo K/xigeenka ra’iisulwasaaraha Turkiga si ay uga qeyb galaan munaasabadda dhagax dhigga dhismaha isbitaalka.

Maaha markii koobaad ee ay dadka iyo dowladda Turkiga gargaar u soo fidiyaan shacabka soomaaliyeed ee ay isu kaashadeen colaadaha raagay iyo abaaraha macluusha xanbaarsan, waxaase loo baahan yahay abaal gudid ha joogtee garasho ogsoon in wax la taray.

————————————————————————————————————————————————-

Dowladda Turkiga oo Sheegtay Inay Dib u Dhis Ku Sameyneeyso Masaajidda ku yaalla Dalka Soomaaliya

Axad, September 18, 2011  — Hay’adda arrimaha diinta ee dalka Turkiga (TDV) ayaa sheegtay inay dib u dayactirayso in ka badan 200 masjid oo ku yaalla Soomaaliya.

Kooxdan Turkiga ah waxay ku hormari doonaan dayactirka masaajidda Muqdisho, kuwaasoo ay dhaawac xun gaarsiiyeen dagaalladii sokeeye ee caasimadda ka dhacay.

“Waxaa Soomaaliya ku yaalla 200 masjid oo u baahan in dayactir,” ayuu yiri madaxa hay’adda Mustafa Tutkun oo la hadlayay wakaaladda wararka dalkiisa Axaddii shalay ahayd.

Tutkun wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si gaar ah hay’adood u weydiisatay in dayactir lagu sameeyo masaajidda iyo goobaha lagu barto diinta Islaamka.

“Waxaan diyaar u nahay inaan dib u dhis ku sameyno masaajidda oo aan dib ugu celinno sidii hore ee ay ahaan jireen,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Isagoo sheegay in hay’adoodu ay qorsheynayso inay 100 arday u qaadaan Turkiga si ay wax u soo baraan.

“Ardaydu waxay marka hore la bari doonaa Qur’aan, markaas kaddibna luuqadda, ugu dambeynna waxaa loo diri doonaa Imaam Hatip Schools si aqoonta islaamka loogu dhameystiro.

Mr. Tutkun ayaa sheegay in tirada ardayda Soomaaliyeed ee loo qaadayo dalka Turkiga la gaarsiin doono 250 xubnood inta uusan dhamaan sannadkan

==============================

 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: