cultural innovation

Sidee iskugu xirmi kartaa Soomaalida Norway?

In Uncategorized on September 17, 2011 at 5:52 pm

Buuq ka Dhextaagan Xisbiga Shaqaalaha

 

Buuq ka dhextaagan Xisbiga Shaqaalaha kadib markii sadex Soomaali ah ay si lama filaan ah u soo galeen golaha deegaanka Oslo. Warar ka soo baxaya madaxda xisbiga shaqaalaha oo ay qoreen jaraaidyada Norway ayaa waxuu ku tusayaa inaan la jeclaysan in sadex Somali ah soo galaan golaha deegaanka halka Norwejigii kale ee lala rabay golaha deegaanka ay meesha ka baxeen.  

 Halkaan ka qariso Nrk oo afnorweji ah.

Bashi iyo Fadumo ma waxay Norwejiga ku yiraahdaan: “waxaan ka imid Somaliland” Somalidana: “Waxaan ka imid Sooomaaliya?”


Jaraaidada iyo idaacadaha Norway ee VG iyo Nrk ayaa soo qoray in xildhibaanada somalidu dooratay ay ka kala yimaadeen Somaliya iyo Somaliland. Jaraaidyada aya ka soo xigtay war uu sheegay mid ka mid ah hogaamiyaasha xisbiga shaqaalaha oo lagu magacaabo Runa Gerharsen. Runa ayaa sheegay in xildhibaanada Somaliyeed ay ka kala yimaadeen Soomaaliya iyo Somaliland.

Arinkaan ayaa fajac waxuu ku noqday Somali dooratay sadexda xildhibaan waayo waxay codkooda u siiyeen Somalida inay yihiin Somali ka timid Soomaaliya, halka kuwo kalena codkooda u dhiibeen iyaga oo ogaa in qaar ka mid ah ay ka yimaadeen Somaliland.

Intersom ayaa waxaa hadaba la soo xiriiray Somali codkooda siiyay Bashi iyo Fadumo oo iswaydiinaya: “Tolow waa kuma labadooda qofka anaga nagu oranaya: “Somaliya ayaan ka imid, Norwejigana ku oronayaya Somaliland ayaan ka imid.”

Intersom ayaa email ay ku waydiinso in dadwaynaha u cadeeyaan halka ay ka yimaadeen ayaa sadexdooda midna soo jawaabin, laakiin talefoon lagu helay Ubax Cabdulqadir oo kaliya, iyada oo tiri:

“Waligeey ma dhihin aniga Somaliland ayaan ka imid. In Somali la kala googooyo oo la kala qub qubana ma aaminsani. Soomaali waa ii Soomaali”

============================================================================

================================================================================

Xildhibaan Baashe Muuse iyo waxqabadkiisa ka dib xilligii la doortay

Xildhibaan Baashe Muuse oo ah muwaadin soomaaliyeed islamarkaana ku jira golaha deegaanka caasimadda Norway ee Oslo ayaa wareysi ku aadan waxqabadkiisa siiyay shabakadda warbaahinta Calanka.

Xildhibaanka oo mudo lix bilood ah ay ka soo wareegatay xilligii uu galay golaha deegaanka ayaa waxa uu warbixin ka siinayaa bulshada soomaaliyeed ee dooratay halka ay wax u marayaan.

DAAWO WAREYSIGA:

Mar uu ka hadlayay ariinta baasaaboorada noorwijiga ayaa waxa uu yiri ” Waxaan ku guulaystay anigoo la shaqaynaya soomaalida ay khusayso in loo ogolaaday caaruurta ay dhalleen waalidiinta loo diiday baasaabboraada noorwijiga ah. Waxaan haddana gacanta ku hayaa sidii loo siin lahaa waalidiinta baasaaboorada norwiijiga ah”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yir ” Waxaan dood adag ugu jiraa sidii sharci loo siin lahaa dadka soomaaliyeed ee dhiban ee aan sharciga haysan, anigoona ku hawalan sidii loo samayn lahaa gudi noorweji ah oo ka tirsan dawalada oo si gaar ah u eega is afgaranwaaga ka dhex taagan qaybta carruurta (barnvern) iyo qoysaka soomaalida”.

Mudane Baashe ayaa arrinta hay`adda xanaanada xaruurta (Barneverne) si weyn ugu hadlaya wareysiga (Daawo Filmka).

===================================================================

 Faynuustii fanka Wey Dentay Alla ha u naxariitee, Faadumo Qaasim Hilowle

Halkaan ka Daawo 

============================================================================

Xildh Fatima Cali Madar oo la dabaal-degtay Soomalida Oslo

Halkaan Ka Daawo 

==============================================================

Waa Video sabab u noqday in Wariye Cawke iyo Saxaafiyadda Bishaaro looga eryay shaqadii Universal Tv Kadib markii lagu eedeeyay inay caayeen Dalka Jibouti

================================================================================

Mahiga oo Wacdaro Ka Dhigay Xaflad Somali

Halkaan Ka Daawo:Riwaayadii Dibindaabyadii Mahiiga ee kooxda Qaylodhaan

• That the UN and international and regional partners are to stand with the Somali people in their search for peaceful and democratic change.

• That recommendation for the future legitimate government of Somalia is adopted at a genuinely representative conference of all Somali political groups.
• That the UN and the international and regional partners agree to support the outcome adopted by the Somali political groups.
• That the UN and international and regional partners guarantee the territorial integrity of Somalia with a duly constituted Somali government.
• Managing and policing of the new Somali democratic institutions is a challenge the people of Somalia must face on their own.

==================================================================================

Waa Halgankii SYL

Hadba Waxaan la ooyaayoo Ilmadu iiga qubanayso
Ikhtiyaar nin loo Diiday oo La addoonsadaan ahaye
Somaaliyeey Toosa toosoo isku tiirsada
hadba Kiina Taagdaran Taageera Waligiin
Qasim Hilowle (Iskiifo) , heesahiis oo shacuur wadanimo ku abuurtay dhamaan shacbiga soomaaliyeed.  Waa maxay 4.5 ?

Somali Diaspora Community: Full News  – H.E. Ambassador Augustine P. Mahiga

Xildhibaan Baashe Muuse oo ah muwaadin soomaaliyeed islamarkaana ku jira golaha deegaanka caasimadda Norway ee Oslo ayaa wareysi ku aadan waxqabadkiisa siiyay shabakadda warbaahinta Calanka.

Xildhibaanka oo mudo lix bilood ah ay ka soo wareegatay xilligii uu galay golaha deegaanka ayaa waxa uu warbixin ka siinayaa bulshada soomaaliyeed ee dooratay halka ay wax u marayaan.

DAAWO WAREYSIGA:

Mar uu ka hadlayay ariinta baasaaboorada noorwijiga ayaa waxa uu yiri ” Waxaan ku guulaystay anigoo la shaqaynaya soomaalida ay khusayso in loo ogolaaday caaruurta ay dhalleen waalidiinta loo diiday baasaabboraada noorwijiga ah. Waxaan haddana gacanta ku hayaa sidii loo siin lahaa waalidiinta baasaaboorada norwiijiga ah”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yir ” Waxaan dood adag ugu jiraa sidii sharci loo siin lahaa dadka soomaaliyeed ee dhiban ee aan sharciga haysan, anigoona ku hawalan sidii loo samayn lahaa gudi noorweji ah oo ka tirsan dawalada oo si gaar ah u eega is afgaranwaaga ka dhex taagan qaybta carruurta (barnvern) iyo qoysaka soomaalida”.

Mudane Baashe ayaa arrinta hay`adda xanaanada xaruurta (Barneverne) si weyn ugu hadlaya wareysiga (Daawo Filmka).

==================================================================================

===================================================================================

Soomaalida loo diiday sharciga deganaanshaha Holland oo dibadbax cabasho ah dhigaya.

Utrecht – Kumanaan Soomaali oo ku nool Kaamamka dadka soogalootiga lagu haayo ee dalka Nederland ayaa ah kuwo aan heysan sharciyadii dal ku jooga ee wadankan, kuwaasi oo mudo sanado ah ku nool sharci la’aan.

Dadkaasi Soomaaliyeed ayaa Todobaadka soo socda waxay qorsheeyeen in ay muujiyaan sida ay ugu xun yihiin aqoonsiga ay Holland u diiday, iyadoo dibadbax ballaaran oo ay soo abaabuleen kooxo Soomaaliyeed iyo Labo Hey’adood oo lagu kala magacaabo Stel iyo Prime ay dhigi doonaan Tallaadada soo socoto, waxaana la filayaa in dibadbaxaasi ay kala soo qeybgeli doonaan Ajaaniib u dhalatay dalka Holland iyo kuwo kale si ay u taageeraan Soomaalida ku dhibaateysan dalkani ee sharci darada ah.

Full News 

==================================================================================

Rajadii Mideynta Qoysaska Soomaalida ee Dalka Sweden oo soo Iftiimeysa

Axad, September 18, 2011:  Sida aan ka soo xiganay Wargeysa thelocal.se ee ka soo baxa dalkaSweden waxaa dib loo mideyn doonaa horraanta sanadka soo socda ee 2012 kumanaan kun oo Qoysas Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo muddo sanado ah kala xayiran, iyadoo arrintanna la sheegay in ay tahay tallaabta koowaad ee mideynta qoysaska Soomaalida.

Full News 

===================================================================================

Soomaalida (UK) oo uga Mahad celisay Dawladda Turkiga

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: