cultural innovation

Archive for the ‘Uncategorized’ Category

Hambalyo! Baashe, Ubax iyo Fatima oo wada galay golaha deegaanka Oslo, Norway

In Uncategorized on September 17, 2011 at 5:52 pm

Doorashooyinkii Norway oo la soo gabo-gabeeyay:

Natiijooyinka doorashooyinkii golaha deegaanka Norway ayaa la shaaciyay, waxaana ku guuleystay doorashooyinka golaha deegaanka caasimadda Oslo xisbiga loo yaqaan Høyre, iyadoona xisbiga shaqaalaha uu galay kaalinta labaad.

Xisbiga Shaqaalaha oo ay u sharaxnaayeen sadex soomaali ah ayaa golaha deegaanka ka helay 20-kursi, waxaana 11 ka mid ah ay yihiin ajaanib.Sadexdii musharax ee ugu cad-cadaa soomaalida ayaa galay Golaha Deegaanka, waxaana ay kala yihiin Baashe Muuse, Faadumo Madar iyo Ubax C/Qaadir.

CODADKA AY KALA HELEEN:

Baashe Muuse: 2200 oo cod
Faadumo Madar: 1601 oo cod
Ubax C/Qaadir: 1600 oo cod

Waa markii ugu horeysay oo ay sadex soomaali ah halmar wada galaan golaha deegaanka Oslo, waxaana tani ay noqoneysaa guul weyn oo u soo hoyatay soomaalida ku daqan dalka Norway, gaar ahaan caasimadda.

Arrintan ayaa lagu sababeeyay dadaal dheer oo ay sameeyeen musharixiinta, kuwaas oo ku baraarujiyay soomaalida in ay codkooda dhiibtaan si ay uga qeyb qaataan talada dalka.

=================================================================================

Qunsulka cusub ee Norway loo soo magacaabay oo casho sharaf loogu sameeyay caasimadda Oslo

Qunsulka cusub ee ay dowladda Soomaaliya u soo magacowday dalka Norway Yuusuf C/kariin (Yuusuf Bergan) ayaa xalay casho sharaf soo dhaweyn ah loogu qabtay caasimadda dalka Norway ee Oslo.

Casha-sharafta Qunsulkka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaalida, iyadoona ay ka dhex-muuqdeen waxgarad, odayaal haween iyo aqoonyahanno uu ka mid yahay Dr. Alas Abdikariin.

DAAWO FILMKA XAFLADDA:

Qunsulka oo soo dhaweyn diiran kala kulmay jaaliyadda Soomaalida Oslo ayaa hadallo kooban u jeediyay, waxaana uu sheegay in uu salaan uga sido shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoona sheegay in uu si daacadnimo ah uu u gudan doono xilka loo soo igmaday uuna caawimaad iyo gacanba ka sugayo jaaliyadda reer Norway.

Sidoo kale waxgarad, haween iyo aqooyahanno iyana meesha ka hadlay ayaa soo dhaqeeyay magacaabisha qunsulka, waxaana ay u balan qaadeen in ayy garab ku siin doonaan howshaasi.

Ugu dambeyn Qunsul Yuusuf C/kariin (Yuusuf Bergan) ayaa uga mahad celiyay jaaliyadda sida sharafta leh ee ay u soo dhaweeyeen, iyo sida soomaalinimada ay ugu weyntahay ayna had iyo goor u hormariyaan danta qaranka Soomaaliyeed.

Yuusuf C/kariin (Yuusuf Bergan) ayaa noqonaya qunsulkii ugu horeeyay ee loo soo magacaabo wadamada Scandinavian-ka tan iyo sidii ay u bur-burtay dowladdii dhexe mudo 21-sano iminka laga joogo.

==================================================================================

Voices from the Somali Diaspora

Influence remains strong

The man who writes to keep Somalia alive has had plenty to write about lately, with a devastating famine threatening to kill hundreds of thousands in the East African nation.

“I would say that his contribution is to have been critical for a very, very long time of narrow African nationalisms that turn out to be tyrannies,” Sugnet said. “To be very critical of the way gender equations are usually mapped and have an alternative to that. [And] to have women characters who are important.”

Farah, now 65, continues to fill the void in literature on Somalia with his stories. His prolific track record, however, makes the process of creating new works a bit more time-consuming.

“I’ve never suffered from writer’s block,” he says, “but it takes me longer and longer now. I don’t want to repeat myself.”

Full News 

================================================================================

 

===================================================================================

Muqdishow Waa Magaalo Taarikh Fac Weyn

Haddii aan wax ka xuso taariikhda faca weyn ee ay leedahay Magaladda Madaxda soomaaliya ee Mogadisho, oo  ka mid ah  gobolka Banaadir . Runtii ma ha mid qoraalkaani lagu soo koobi karo balse waxaan jaclahay in aan si kooban u xuso oo aan wax ugu tilmaamo taariikhdda haddii Alla idmo.

Haddba guud ahaan gobolka banaadir waa degaan aad u baalaran oo ilaahay ku maneystay khayraad fara badan oo dhul iyo bad ba leh. Dadka degaankani benaadir degenaa waxaa ilaaahay  hibo u siiyeye ilbaxnimo iyo is qadarin oo ay ku dheehan tahay xadaarad fac weyn.

Taasoo ay caddeeyen qorayaashii badmareenadda ahaa ee dalkeena imaan jiray iyaga oo had iyo jeer ku soo xiran jiray xeebaha Banaadir sida Xamar (Mogadishu), Warshiikh, Marka Baraawe iyo Kismaayo iwm.

Culumadaasi waxay qoraladooda ay ku xuseen in xeebaha soomaaliya ay degenaayeen qowmiyada meel sare ka gaaray xadaaradda, muddo qarniyaal badan laga joogo sida ay tilmaameen badmareenadaasi caanka ahaa oo ay ka mid yihiin  “Ibna Batuuta, Vasco de Gamma, Maro Pollo , Cheng Ho, Fei Hsin iyo Hslao Kolan iyo kuwa kale “

Full News 

==================================================================================

Dr.Mahiga’s Visit in Toronto

 

Halkaan Ka Daawo

==================================================================================

DOWLADA TURKIGA OO AYAA 6 KAMID AH GAWAARIDA KA SHAQEEYA CAAFIMAADKA U SOODIRTAY. DAAWO))))))

Warark ka soo baxayay magaalada muqdisho ayaa lagu sheegayaa in Shan gawaarida gurmadka degdega ah oo ay leeyihiin Dowladda Turkiga ugu deeqday dadka Soomaalida ah ayaa ka shaqa billaabay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in gawaarida gurmadka degdeg ah oo si weyn loo qalabeeyay ay u direen dalka Soomaaliya, si loogu bad baadiyo nolosha dadka Soomaalida, iyadoo wasaaradda dalkaasi ay sheegtay in ay direen 5 gawaarida degdega ah, islamarkaana ay iminka howllahooda ka billaabeen Muqdisho.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in gawaaridaasi ay ku biiri doonaan gawaarida gurmadka degdeg ah ee fara ku tiriska ee ka howlgala caasimadda Soomaaliya.

Sikastaba ha noqotee howlgalka gar-gaar oo ay kawada Dowlada Turkiga ayaa ah mid ay aad iyo aad ay u soo dhaweeyeen shacabka Somaliyeed oo dhibaatadu abaareed saameeysay.

===================================================================================

 Isbitaalka ugu weyn Geeska Africa oo Muqdisho laga dhisayo

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee lagu magacaabo ( Anatolia News Agency ), waxey dowladda Turkiya Muqdisho ka dhiseysaa isbitaalka carruurta oo noqon doona midka geeska Afrika ugu weyn.

Isbitaalku wuxuu yeelan doonaa dhamaanba adeegyadiisa caafimaad iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee waaraadka bukaannada jiifka. Sidoo kale wuxuu lahaan doonaa baar iyo meel laga dukaameysto, masjid iyo goob waxbarasho iyo weliba hool fadhi qurxoon leh oo loogu tala galay martida bukaannada soo booqaneysa.

Dabayaaqada bishan, ayey wararku sheegayaan iney Muqdisho soo gaari doonaan madax sare oo uu hoggaaminayo K/xigeenka ra’iisulwasaaraha Turkiga si ay uga qeyb galaan munaasabadda dhagax dhigga dhismaha isbitaalka.

Maaha markii koobaad ee ay dadka iyo dowladda Turkiga gargaar u soo fidiyaan shacabka soomaaliyeed ee ay isu kaashadeen colaadaha raagay iyo abaaraha macluusha xanbaarsan, waxaase loo baahan yahay abaal gudid ha joogtee garasho ogsoon in wax la taray.

————————————————————————————————————————————————-

Dowladda Turkiga oo Sheegtay Inay Dib u Dhis Ku Sameyneeyso Masaajidda ku yaalla Dalka Soomaaliya

Axad, September 18, 2011  — Hay’adda arrimaha diinta ee dalka Turkiga (TDV) ayaa sheegtay inay dib u dayactirayso in ka badan 200 masjid oo ku yaalla Soomaaliya.

Kooxdan Turkiga ah waxay ku hormari doonaan dayactirka masaajidda Muqdisho, kuwaasoo ay dhaawac xun gaarsiiyeen dagaalladii sokeeye ee caasimadda ka dhacay.

“Waxaa Soomaaliya ku yaalla 200 masjid oo u baahan in dayactir,” ayuu yiri madaxa hay’adda Mustafa Tutkun oo la hadlayay wakaaladda wararka dalkiisa Axaddii shalay ahayd.

Tutkun wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si gaar ah hay’adood u weydiisatay in dayactir lagu sameeyo masaajidda iyo goobaha lagu barto diinta Islaamka.

“Waxaan diyaar u nahay inaan dib u dhis ku sameyno masaajidda oo aan dib ugu celinno sidii hore ee ay ahaan jireen,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Isagoo sheegay in hay’adoodu ay qorsheynayso inay 100 arday u qaadaan Turkiga si ay wax u soo baraan.

“Ardaydu waxay marka hore la bari doonaa Qur’aan, markaas kaddibna luuqadda, ugu dambeynna waxaa loo diri doonaa Imaam Hatip Schools si aqoonta islaamka loogu dhameystiro.

Mr. Tutkun ayaa sheegay in tirada ardayda Soomaaliyeed ee loo qaadayo dalka Turkiga la gaarsiin doono 250 xubnood inta uusan dhamaan sannadkan

==============================

 

Advertisements

Sidee iskugu xirmi kartaa Soomaalida Norway?

In Uncategorized on September 17, 2011 at 5:52 pm

Buuq ka Dhextaagan Xisbiga Shaqaalaha

 

Buuq ka dhextaagan Xisbiga Shaqaalaha kadib markii sadex Soomaali ah ay si lama filaan ah u soo galeen golaha deegaanka Oslo. Warar ka soo baxaya madaxda xisbiga shaqaalaha oo ay qoreen jaraaidyada Norway ayaa waxuu ku tusayaa inaan la jeclaysan in sadex Somali ah soo galaan golaha deegaanka halka Norwejigii kale ee lala rabay golaha deegaanka ay meesha ka baxeen.  

 Halkaan ka qariso Nrk oo afnorweji ah.

Bashi iyo Fadumo ma waxay Norwejiga ku yiraahdaan: “waxaan ka imid Somaliland” Somalidana: “Waxaan ka imid Sooomaaliya?”


Jaraaidada iyo idaacadaha Norway ee VG iyo Nrk ayaa soo qoray in xildhibaanada somalidu dooratay ay ka kala yimaadeen Somaliya iyo Somaliland. Jaraaidyada aya ka soo xigtay war uu sheegay mid ka mid ah hogaamiyaasha xisbiga shaqaalaha oo lagu magacaabo Runa Gerharsen. Runa ayaa sheegay in xildhibaanada Somaliyeed ay ka kala yimaadeen Soomaaliya iyo Somaliland.

Arinkaan ayaa fajac waxuu ku noqday Somali dooratay sadexda xildhibaan waayo waxay codkooda u siiyeen Somalida inay yihiin Somali ka timid Soomaaliya, halka kuwo kalena codkooda u dhiibeen iyaga oo ogaa in qaar ka mid ah ay ka yimaadeen Somaliland.

Intersom ayaa waxaa hadaba la soo xiriiray Somali codkooda siiyay Bashi iyo Fadumo oo iswaydiinaya: “Tolow waa kuma labadooda qofka anaga nagu oranaya: “Somaliya ayaan ka imid, Norwejigana ku oronayaya Somaliland ayaan ka imid.”

Intersom ayaa email ay ku waydiinso in dadwaynaha u cadeeyaan halka ay ka yimaadeen ayaa sadexdooda midna soo jawaabin, laakiin talefoon lagu helay Ubax Cabdulqadir oo kaliya, iyada oo tiri:

“Waligeey ma dhihin aniga Somaliland ayaan ka imid. In Somali la kala googooyo oo la kala qub qubana ma aaminsani. Soomaali waa ii Soomaali”

============================================================================

================================================================================

Xildhibaan Baashe Muuse iyo waxqabadkiisa ka dib xilligii la doortay

Xildhibaan Baashe Muuse oo ah muwaadin soomaaliyeed islamarkaana ku jira golaha deegaanka caasimadda Norway ee Oslo ayaa wareysi ku aadan waxqabadkiisa siiyay shabakadda warbaahinta Calanka.

Xildhibaanka oo mudo lix bilood ah ay ka soo wareegatay xilligii uu galay golaha deegaanka ayaa waxa uu warbixin ka siinayaa bulshada soomaaliyeed ee dooratay halka ay wax u marayaan.

DAAWO WAREYSIGA:

Mar uu ka hadlayay ariinta baasaaboorada noorwijiga ayaa waxa uu yiri ” Waxaan ku guulaystay anigoo la shaqaynaya soomaalida ay khusayso in loo ogolaaday caaruurta ay dhalleen waalidiinta loo diiday baasaabboraada noorwijiga ah. Waxaan haddana gacanta ku hayaa sidii loo siin lahaa waalidiinta baasaaboorada norwiijiga ah”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yir ” Waxaan dood adag ugu jiraa sidii sharci loo siin lahaa dadka soomaaliyeed ee dhiban ee aan sharciga haysan, anigoona ku hawalan sidii loo samayn lahaa gudi noorweji ah oo ka tirsan dawalada oo si gaar ah u eega is afgaranwaaga ka dhex taagan qaybta carruurta (barnvern) iyo qoysaka soomaalida”.

Mudane Baashe ayaa arrinta hay`adda xanaanada xaruurta (Barneverne) si weyn ugu hadlaya wareysiga (Daawo Filmka).

===================================================================

 Faynuustii fanka Wey Dentay Alla ha u naxariitee, Faadumo Qaasim Hilowle

Halkaan ka Daawo 

============================================================================

Xildh Fatima Cali Madar oo la dabaal-degtay Soomalida Oslo

Halkaan Ka Daawo 

==============================================================

Waa Video sabab u noqday in Wariye Cawke iyo Saxaafiyadda Bishaaro looga eryay shaqadii Universal Tv Kadib markii lagu eedeeyay inay caayeen Dalka Jibouti

================================================================================

Mahiga oo Wacdaro Ka Dhigay Xaflad Somali

Halkaan Ka Daawo:Riwaayadii Dibindaabyadii Mahiiga ee kooxda Qaylodhaan

• That the UN and international and regional partners are to stand with the Somali people in their search for peaceful and democratic change.

• That recommendation for the future legitimate government of Somalia is adopted at a genuinely representative conference of all Somali political groups.
• That the UN and the international and regional partners agree to support the outcome adopted by the Somali political groups.
• That the UN and international and regional partners guarantee the territorial integrity of Somalia with a duly constituted Somali government.
• Managing and policing of the new Somali democratic institutions is a challenge the people of Somalia must face on their own.

==================================================================================

Waa Halgankii SYL

Hadba Waxaan la ooyaayoo Ilmadu iiga qubanayso
Ikhtiyaar nin loo Diiday oo La addoonsadaan ahaye
Somaaliyeey Toosa toosoo isku tiirsada
hadba Kiina Taagdaran Taageera Waligiin
Qasim Hilowle (Iskiifo) , heesahiis oo shacuur wadanimo ku abuurtay dhamaan shacbiga soomaaliyeed.  Waa maxay 4.5 ?

Somali Diaspora Community: Full News  – H.E. Ambassador Augustine P. Mahiga

Xildhibaan Baashe Muuse oo ah muwaadin soomaaliyeed islamarkaana ku jira golaha deegaanka caasimadda Norway ee Oslo ayaa wareysi ku aadan waxqabadkiisa siiyay shabakadda warbaahinta Calanka.

Xildhibaanka oo mudo lix bilood ah ay ka soo wareegatay xilligii uu galay golaha deegaanka ayaa waxa uu warbixin ka siinayaa bulshada soomaaliyeed ee dooratay halka ay wax u marayaan.

DAAWO WAREYSIGA:

Mar uu ka hadlayay ariinta baasaaboorada noorwijiga ayaa waxa uu yiri ” Waxaan ku guulaystay anigoo la shaqaynaya soomaalida ay khusayso in loo ogolaaday caaruurta ay dhalleen waalidiinta loo diiday baasaabboraada noorwijiga ah. Waxaan haddana gacanta ku hayaa sidii loo siin lahaa waalidiinta baasaaboorada norwiijiga ah”.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yir ” Waxaan dood adag ugu jiraa sidii sharci loo siin lahaa dadka soomaaliyeed ee dhiban ee aan sharciga haysan, anigoona ku hawalan sidii loo samayn lahaa gudi noorweji ah oo ka tirsan dawalada oo si gaar ah u eega is afgaranwaaga ka dhex taagan qaybta carruurta (barnvern) iyo qoysaka soomaalida”.

Mudane Baashe ayaa arrinta hay`adda xanaanada xaruurta (Barneverne) si weyn ugu hadlaya wareysiga (Daawo Filmka).

==================================================================================

===================================================================================

Soomaalida loo diiday sharciga deganaanshaha Holland oo dibadbax cabasho ah dhigaya.

Utrecht – Kumanaan Soomaali oo ku nool Kaamamka dadka soogalootiga lagu haayo ee dalka Nederland ayaa ah kuwo aan heysan sharciyadii dal ku jooga ee wadankan, kuwaasi oo mudo sanado ah ku nool sharci la’aan.

Dadkaasi Soomaaliyeed ayaa Todobaadka soo socda waxay qorsheeyeen in ay muujiyaan sida ay ugu xun yihiin aqoonsiga ay Holland u diiday, iyadoo dibadbax ballaaran oo ay soo abaabuleen kooxo Soomaaliyeed iyo Labo Hey’adood oo lagu kala magacaabo Stel iyo Prime ay dhigi doonaan Tallaadada soo socoto, waxaana la filayaa in dibadbaxaasi ay kala soo qeybgeli doonaan Ajaaniib u dhalatay dalka Holland iyo kuwo kale si ay u taageeraan Soomaalida ku dhibaateysan dalkani ee sharci darada ah.

Full News 

==================================================================================

Rajadii Mideynta Qoysaska Soomaalida ee Dalka Sweden oo soo Iftiimeysa

Axad, September 18, 2011:  Sida aan ka soo xiganay Wargeysa thelocal.se ee ka soo baxa dalkaSweden waxaa dib loo mideyn doonaa horraanta sanadka soo socda ee 2012 kumanaan kun oo Qoysas Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo muddo sanado ah kala xayiran, iyadoo arrintanna la sheegay in ay tahay tallaabta koowaad ee mideynta qoysaska Soomaalida.

Full News 

===================================================================================

Soomaalida (UK) oo uga Mahad celisay Dawladda Turkiga

Casho Sharaf lagu soo dhawaynayo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”

In Uncategorized on September 17, 2011 at 5:52 pm

 

 

Casho Sharaf lagu soo dhawaynayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Oslo

Halkaan Ka Daawo:  

==================================================================================

Daladii Somalida Norway oo la soo gaba gabeeyay.

  ⋅ DECEMBER 4, 2011

Qado sharaf lagu soo gaba gabeenayay daladii Somalida Norway isla markaasna lagu sii sagootinayay Abdulkadir Sh. Ahmed Gargaduud ayaa lagu qabtay maqaayada Onkod ee loo yaqaan maqaayada Ismaaciil Dheere. Qadada ayaa waxaa iskugu yimid xubno matalayay golaha guurtida oo ay ka mid ahaayeen: Suldaan Bashiir Sheikh Mohamed Geele Hassan Abshir Gaas oo ka mid ah …

Halkaan ka Akhri: Pansomalism 

==================================================================================

Xildhibaan Caasha Cabdalla oo casha sharaf loogu suubiyey Oslo

Xildhibaan caasha cabdalla ayaa ku sugan magaalada oslo ee dalka norway ayaa waxeey ka qeyb gashay casho sharaf ay u suubiyeen qaar ka mid ah gabdhaha soomaaliyeed ee ku sugan magaalada oslo ee dalka norway

Xildhibaan caasho ayaa si aad ah u mahad celisay gabadhii ka soo qeyb galay iyo kuwii soo qaban qaabiyey casha sharaftii
ayadoo sheegtay  in eey caawa u tahay habeen taariikh ah si heer sare ahna loogu soo dhaweeyey  Oslo Norway

Halkaan ka Daawo 

==============================

Admiral Faarax Qare: Badda Soomaaliya Waxaa Lagu Yahay Duullaan – Waraysi

Prof. Admiral Faarax Qare oo ka hadlayey waraaqo ka dhan ahaa badda Soomaaliya ee lagu qaybiyey shirkii saraakiisha ciidamada dalalka Geeska Afrika ee bartamihii September 2011 lagu qabtay magaalada Victoria ee dalka Seychelles iyo sidii musuuliyaddu ku dheehnayd ee uu uga jawaabey, ugana dalbaday raali gelin in laga bixiyo waraaqaha ay ku xuseen in xadka badda Soomaaliya tahay 12 nautical miles, isagoo sharaxa arrintaas waxa uu yiri “Saddex saac oo subaxnimo ama 9-ka subaxnimo ayaa la qaybiyey waraaqahaas, annaguna 10-ka (subaxnimo) ayaan qaybinay warqadaheenii Waxaana raaligentii (apologize) laga bixiyey habeenkii markay ahayd 10-ka (fiidnimo), wixiina laga bixiyey, waxaana markaas la yiri Soomaaliya xuquuqdeeda (baddu) waa sidii aad u dhigateen ee raalli naga ahaada.”

Full News 

==================================================================================

Marka Mukulaali Maqnaato ayuu Dooligu Ciyaaraa – When the cat’s away the mice will play

Full News 

=========================================================================

Xildhibaan Baashe oo Xaflad Mahadcelin ah ku Qabtay OSLO Norway

Xaflad mahadcelin oo uu soo qaban-qaabiyay Xildhabaan Baashe Maxamed Muuse oo ka tirsan golaha deegaanka caasimadda Norway ee Oslo ayaa waxaa ay habeen hore ka dhacday magaalada Oslo.

Xafladdan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay waxgarad, aqoonyahanno, haween iyo odayaal kuwaas oo dhamaan u hambalyeeyay xildhibaanka ku guuleystay in uu galo golaha deegaanka Oslo, Baashe Maxamed Muuse.

Xildhibaan Baashe ayaa u mahadceliyay dhamaan taageerayaashiisa meelwalba oo ay joogaan, waxaana uu si gaar ah uu farta ugu fiiqay Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo si weyn u garab istaagay.

Xafladdan oo aheyd mid ay farxad iyo damaashaad hareereysay ayaa waxaa goobjoog ahaa fananka caanka ah Bashiir Cali Xuseen iyo xiddigga reer Oslo Xuseen Nuuriyow.

Halkaan Ka Daawo: Full News 

==================================================================================

Booqashadii Mahiga ee MN 

July 1, 2011. Celebrate for the Independence Day of Somalia, Somali-Diaspora Oslo Norway

================================================================================-

A voice for Somalia

Nuruddin Farah, author of a new novel, “Crossbones,” has been called the most important novelist to come out of Africa in the last 25 years. Farah, who was born in Somalia, will be teaching a writing class at the University of Minnesota this fall.

The author of 11 novels, including his latest, “Crossbones,” Farah is considered one of Africa’s best writers. His name comes up just about every year as a candidate for the Nobel Prize in Literature. The New York Review of Books calls him the most important African novelist to emerge in the past 25 years and one of the most sophisticated voices in modern fiction. In 1998, he became the first African writer to receive the prestigious Neustadt International Prize for Literature.

Full News

===================================================================================

A Diplomatic Surge to Stop Somalia’s Famin

Somalia is dying. Three-quarters of a million people are at immediate risk of famine; another 750,000 are refugees in neighboring countries, and 4 million – half the total population – is in need of emergency aid. It is a calamity that could join the ranks of the Rwanda genocide and the Darfur crisis in terms of scale and human suffering. And for Somalia it is a terrible repeat of the 1991-92 famine that claimed 240,000 lives.

The international response to date has been shockingly inadequate – not just because funds for humanitarian aid have fallen short, but because of the absence of political will to take bold diplomatic action to remove impediments to the delivery of aid.

Full News 

===================================================================================

Shirka Lund ee doorka Haweenka ee dhinaca Nabadda iyo Horumarka Geeska Africa oo la soo Gebagebeeyay

 Sabti, September 24, 2011(HOL): Shirkan oo ay ka qeybgaleen ergooyin badan oo ka kala ytimid dalalka Soomaaliya,Jabuuti,  Itoobiya,Eritrea,  Kenya iyo Koofurta Suudaan ayaa la soo gebagebeeyay, iyadoo ay ka soo baxday natiijo muhiim ah oo ah in la isku waafaqay in doorka dumarka ee dhinaca nabadda iyo horumarka uu yahay mid lagama maarmaan ah, ayna tahay in la ixtiraamo xuquuqda haweenka  dhinac walba.

Shirka oo socday labo maalmood ayaa waxay ka qeybgalayaasha yeesheen doodo gooni gooni ah, kuwaas dhammaantood la xiriiray dhibaatooyinka haweenka soo gaara, doorarka ay ku leeyihiin xal u helida mushkiladaha ka jira Geeska Afrika.

Doodahaas oo seddex qeybood loo kala qaaday ayaa mid waxay ku saabsaneyd  baahida haweenka marka ay isku dhacyada hubeysan, dood kale ayaa ku saabsaneyd kufsiga haweenka geeska Afrika loo geysto iyo midda ugu dambeysa oo ku saabsaneyd kaalinta Dumarka ee dhinacyada nabad-dhisidda, geedi-socodka siyaasadda iyo Ammaanka.

Full News 

===================================================================================

 Skap tillitt før du danner paraply.

Mitt råd er å ikke forhaste å danne paraplyen nå, men bruk heller tida for å snakke sammen. Det blir veldig vanskelig for en paraplyorganisasjon for somaliere kan komme videre uten å ha legetimitet og tillitt fra somalisk miljø.

Dalad Matalaysa Somalida Norway oo lagu dhawaqay iyo Ururadoodaba

===================================================================================

HESHIISKA KAMPALA: Soomaalida dalka waa lala hoggaamin doona

HESHIISKA noocan ah wuxuu soo baxay markii in ka badan 20 sano ay ummadda Soomaalida ka tashan weyday horumarinta danaha dalka iyo dadka iyadoo dalka uu lugaha la galay dagaal lagu hoobtay oo dad iyo duunyaba ku ba’een. Geesta kale waxaa jira Soomaali badan oo ka carartay dagaalada sokeeya oo dibedaha qax ku jooga iyadaoo kuwo kalena ay dalka gudihiisa ku barakaceen oo dibedda iyo dalka gudaha ku qabo dhibaatooyin aan xisaab laheyn.

Dadka iyo dalka waxaa soo maray xanuunka iyo basaaska nolosha kii ugu darnaa taasoo keentay rajo beel in dalka mar kale uu cagahiisa isku taago ayadoo kuwa sheegta hoggaaminta Soomaalida ay garan weyeen sidii dhibtaas dalka looga saari lahaa.

Full News 

===================================================================================

Wasiirka Dastuurka iyo dibuheshiisiinta Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Agostine Mahiga oo safar ku maraya waqooyiga Amerika.

September 18, 2011

Waxaa magaalada Toronto ka dhacey shir weyn oo lagu soo dooweenaayey Wasiirka Dastuurka iyo dibuheshiisiinta Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Agostine Mahiga oo safar ku maraya waqooyiga Amerika.

Shirka waxaa lagu qabtey Hoteel weyn oo ku yaal magaalada Toronto waxaana ka qeyb galey dadweyne fara badan oo ka kala yimid meelo badan. Waxaa sidoo kale shirka ka qeyb galey Ururada Somaalida ee ka howgalada magaalada Toronto.

Shirka oo socdey saacado badan ayaa si weyn waxaa loogu falanqeeyey arimamaha Somaaliya gaar ahaan abaaraha, shirkii wada tashiga ee ka dhacey Muqdisho, Road mapka loo sameeyey DFKS, iyo arrimaha dhammeystirka dastuurka cusub ee Somaaliya.

Shirka waxaa daadihinaayey Dr. Cali Faqi oo ka yimid magaalada Kalamsuu ee Gobolka Chicago si shirkaasi ugu qeyb galo. Waxaa sidoo kale shirka ka qeyb galey Ismaaciil Daahir Cusmaan oo loo xilsaarey xiriirinta socdaalka Mahiiga iyo jaaliyadaha Somaalida ee waqooyiga Amerika.

Full News 

===================================================================================